Monday, March 14, 2011

Ummad Walba Oo Dunida Guud-Keeda Ku Nool Waxay U Baahantahay Xornimmo!



Sida aad ka aragto cajalkan muuqaal-ka ahi ummadani waxa ay u dhaqaaq-day oo ay warmaha u qaateen sidii ay ugu dagaalami lahaayeen xornimmadooda taasoo aanay ku qancayn wax ka hooseeya, waxayna u astays-teen calan si ay taa u gaadhaan, haddaba Shacabka ree Ogadenia miyuu ka tabar & taag la' yahay ummadan go'aan satay sidii ay ugu noolaan lahaayeen "xornimmo" mise waa ay garab & gaashaan waayeen ???

Hadii aan soo qaato hadalada mid kamida halgamayaashan oo ah Oday da' ah sida aad daawateen ba wuxuu sheegay in aanu ku qancayn wax ka hooseeya "xornimmo buuxda", wuxuu kaloo uu caddeeyay ama uu yidhi, inkasta oo aan da' ahay haddana waxaan u istaagay sidii aan u dagaalami lahaa wax baqdin ihina iguma jirto! intaa kuma uuna hakane wuxuu hoosta ka xarriiqay in aanay weligood ka laabanayn oo aanay joojinayn halganka ay ugu jiraan xorriyaddooda. "Papua Freedom" Ogadenia Freedom!!!

No comments: